WAJAALE NEWS

XOOLIHII QARRANKA XEREYN WAYDEE XAGEE LOO SOCDAA SAMAALOW??

HARGEISA (WAJAALENEWS);Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmihii la soo dhaafay la joojiyay xeraynta dakhligii qarranka  ee ay masuulka ka ahayd wasaarada maaliyadu.

Wasaarada maaliyada Somaliland waxay shaqadeedii ahayd u rurinta cashuuraha ku darsatay shaqo cusub oo ah haynta , hormo-galinta iyo habaynta dhaqaalaha qarranka Somaliland oo uu si dastuuri ah ugu xilsaarnaa baanka dhexe .

Taariikhda dawladihii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland waa markii ugu horeysay  ee ay dhacdo in go,aan wasiir maaliyadeed loo xerayn waayo dakhliga dawlada,  haseahaatee maaha markii u horeysay ee ay wasaarada maaliyada iyo baanka dhexe  is khilaafaan balse horeba way u dhici jirtay waxaase khilaafkaa dhexdooda lagu dhamayn jiray  dood cilmi ah iyo wada xaajood ay goob joog ka yihiin madaxweynaha qarranka iyo culimada  dhaqaalaha ee wadankeena,  kadibna waxa kulankaa ka soo baxa ee la isku waafaqo ayaa la dhaqan galin jirey  laguna shaqayn jirey. Waxaase maanta amakaag noqdey umaduna la yaaban tahay  sabab kasta iyo wax kasta oo la isku maandhaafo awooda iyo caqliyada keentay in dakhligii wadanka lagu soo xereyn waayo baanka qarranka oo lagu hayo kastanada cashuuraha dhexdooda. Taasi macnaheedu miyaanu ahayn  Hayadaha,  xisaabaadka guud ee qarranka,baanka dhexe,iyo hanti-dhawrka qarranka intaba in laga maarmo oo meesha laga saaro ,miyaanay ahayn in dawladaha hoose ee dalku iskood  u cashuuraan oo aanay wasaarada maaliyadu dakhliga u qaban  isla markaana kabkii dawladaha hoose  meesha ka baxo, sidoo kale talaabadan miyaanay ahayn mid dhiiri galinaysa baananka gaarka loo leeyahay isla markaana shacabka ku dhiirinaysa inay ka aamin baxaan baanka qarranka oo ay iska wada xidhaan xisaabaadka uga furan.

Sacaadatul wasiir lacagta aad qabato  maaha hanti ay leedahay wasaarada maaliyadu balse waxaa leh macalinka ,askarta, dhakhtarka,iyo dhamaan dal-jirayaasha  qarranka.

Sacaadatul wasiir hadii siyaasada dhaqaalaha  dalka ee aad baanka mataanaha ku tihiin aad isku khilaaftaan  waxaad xaq u leedahay   inaad si cilmiya ula dodo una wada xaajootaan  balse maaha inaad dastuurkii qarranka ku tumuto sidaad doontana aad yeesho oo dakhligii qarranka u maamusho sidii shirkad aad adigu leedahay  taasina waa Ayaan-darro inteeda leeeg.

Sacaadatul wasiir talaabadani waxay muujinaysaa inaanad aqoon u lahayn  hab-maamulka xisaabaadka  dawliga ah (Govermental accounts system).

Hadal iyo dhamaan waa go,aan ceeb kugu ah cidii kugula talisayna ogow waa nacabkaagee, waxaanse kugula talin lahaa anigoo waliba kuu nasteexaynaya sacaadatul wasiir inaad ka noqoto kana cudur daarato go,aankaa  . hore ayaa loo yidhi nin habari dhashay hal ma seegi waayo sidaasaana kuu sharaf ah mustaqbalkaaga siyaasadeedna dan u ah hadii kale waxay kugu noqon doontaa  cambaar siyaasadeed oo abid kugu taala

Exit mobile version