WAJAALE NEWS

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan oo Gaadhay Gobolka Oromiya

Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay gobolka Oromiya magaalada Jimma madaxweynayaasha dowladdaha Jabuuti iyo Sudan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xassan Al-Bashiir.

War la soo dhiggay barta Twitter-ka ee  Ra’iisal Wasaaraha  Abiy ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Sudan iyo Jabuuti lagu  casuumay daah furka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada  Jimma.

Madaxweynayaasha labada dal iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay halkaa ku yeeshaan kulamo muhiim ah looga wada hadli doono arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga saddexda dowaladdood, Itoobiya, Sudan iyo Jabuuti.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa mudodoyinkii u dambeeyay waday iskaashi iyo is dhex gal uu la sameynayo dalalka Gobolka, waxaana dhowaan shir saddex geesood ah ku dhexmaray magaalada Bahar Dar Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid ciyaareysa door siyaasadeed oo muuqda si leysugu soo dhaweeyay madaxda guud ahaan gobolka Geeska Africa, iyadoo hore loo dhameeyay khilaafkii muddada ka badan 20ka u dhaxeeyay dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.

Exit mobile version