WAJAALE NEWS

Itoobiya oo Si Wayn Looga Xusay Maalinta Laga Madax-bannaanyahay Gaadiidka

Addis Ababa (WJN)- Kumannaan ruux oo xusaya maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka dalka Itoobiya, iyagoo lugeynaya isla markaana jimicsi sameynaya.

Waddooyinka ugu muhiimsan ayaa la xidhay, iyadoo wasiirka caafimaadka ee Itoobiya Amir Aman uu hogaaminayay dadka ku lugeynayay magaalo madaxda Addis Ababa.

Waa markii ugu horreysay ee Itoobiya laga xuso maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka, waxayna ujeeddadu ahayd in dadka lagu baraarujiyo caafimaadka nolosha iyo yareynta wasakhda ka dhalata qiiqa hawada ku baxa ee ay baabuurta dhaliyaan.

Teendhooyin ayaa sidoo kale lagu xidhay waddooyinka, si dadka jimicsiga sameynaya loogu fuliyo baadhitaanno caafimaad oo bilaash ah.

Sida guudba, dadka reer magaalka ah ee Itoobiya ku nool ma sameeyaan jimicsiga joogtada ah, sida ay faafisay warbaahinta xidhiidhka la leh dowlada ee FANA.

Mr Amir ayaa isku dayaya in arrintaas la baddalo wuxuuna sheegay in xuska maalinta laga madax bannaanyahay gaadiidka la sameyn doono maalinta Axada ah ee ugu dambeysa bil kasta.

Exit mobile version