Berbera (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa awaamiir culus faray maamulka dekedda Berbera isagoona ku amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay kaantaroolaan shirkada Dp World oo sharciga lagu heshiiyo ay ku socdaan.
“Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan..” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/qVzGw1aV2h4