WAJAALE NEWS

“Marka Uu M/Waynuhu Leeyahay Ucid Soo Jeedinteeda labada xubnood Ee lagu kordhianayo Komishanka, Xaq Bay U Leeyihiin, Ma Faysla Buu Ku Wareejiyey M/weynenimadii?Prof Cabdi Cali,

Ma Dhex-dhexaad Baad Ka Tahay Ninka Maayarka Ku Dhawaaqay iyo Qofka Qof Dila Bilaa Sabab, Illaa Inta Maxkamadi Ka Xukamayso!!!!! Khudbaddii!!!

Fiqiga Dawladnimada.

Ninka ku dhawaaqay mayarka, ma aha arrinkiisu arrin garsoor kaliya, ee waa arrin Dastuurka Qaranka, Siyaasadda iyo Amniga khuseeya. Garsoorku ha ii danbeeye haddii aan M/weyne ahay, horta waan ka soo go’i lahaa ninkaa, luqad adagna waan kula hadli lahaa; laakiin iskamaan dhigeen nin dhex-dhexaad ka ah arrintaas; miyaanay xeer-ilaalintu oogeyn eeddaas?; miyaanay ku hadlayn magaca qaranka iyo M/weynaha markay eedaynayso ninka maayarka sheegtay? Mise xeer jajaba baynu ku dhammaynaa!!; miyaanad dacwadda dhinac ka ahayn? Mise dhex baad ka tahay? ; haddii lagaa xukumo, oo maxkamaddu tidhaa ninkaasi danbi ma laha, waynu ognahay oo ma fara galin karo madaxweynuhu? Laakiin ma happy ayuu ku noqonayaa xukunkaas? !!!! Maya! Inta xeer ilaalintayda iyo la- taliyayaashayda sharcigu aaminsan yihiin in danbi dhacay, ma noqonayo mabsuud!!! Xataa haddii maxkamaddu xorriyaddisa u celiso!!! Illeyn maxkamaddu uma shaqayso xukumada’e; iyadu waa xor; laakiin, ha qaldamin, anigu dhinacii laga xukumay kiiska ayaan ahay?!!!! waan aqbalayaa xukunka maxkamadda laakiin mabsuud kuma ihi!!!

Ta labaad, ma aha in hogaamiyahii dhammaa uu tusaale u soo qaato qof qof dilay bilaa sabab!!!! deedna uu inoo sharxo sida ay arrintaasi u fududahay.. in loo baahan yahay kaliya in la soo qabto qofka oo la xukumo.. bas. Markaa su’aalo ayaa imanaya ay ka mid yihiin, haddii xaalado ceynkaas oo kale ahi dhacaan, taasi ma waxay noqonaysaa arrin garsoor oo kaliya, mise waa arrin siyaasadeed, ama amni? mise waa intaba?

Ka wax dilaa danbi kaliya kama galiin qofku dilay iyo ehelka marxuumka oo kaliya, ee waxa kale oo uu danbi kaga jiraa qaranka; ma aha inaad muujiso inaad dhex-dhexaad ka tahay? waa dhab oo waa eedaysane illaa maxkamadi xukunto; laakinn xaggaaaga waa inaad muujisaa inaad eedaynayso; in aad muujiso in uu sameeyay fal fool xun oo mid ka wayni aanu jirin cawaaqib xumadiisa, if iyo aakhiroba.

Qaar baa moodaya in wax alla wixii ku kacsan dawaldda oo dhan la kaashanayo marka aad yara diiddan tahay xukuumadda; kuwaasi nin waalan bay ii haystaan, oo waxay leeyihiin Cabdi waa kii Caarena ku dhilayay maalintii dhawayde, sidee buu yahay, sawkii ku kacsanaa xukuumada?; adeer anigu ma isticmaalo qaacidada ama hal-yska ma-hadhada reebay ee Machiavelli, kaasoo yidhaa: The End Justifies Means; oo macnaheedu yahay ujeedadda aad leedahay dariiq kasta waad u mari kartaa, xaaraan iyo xalaal; oo immika noqonaysa Qaran dumis iyo Qaran dhis labadaba; Ilaahay baan ka magan galay waxa loo yaqaan Politics without Principles.; this is exactly again political prostitution!!!

Teeda kale, mucaaridku ma toos bay ugu gudbin karaan mashruuc sharci Golaha Wakiilada? cidda kaliya ee sharci ahaan u gudbin kartaa qabyo-qoraal sharci ama soo jeedin waa xukuumadda?; ama Barlamaankaa curiya ama xukuumadda keenta soo jeedin sharci; Marka uu M/wyenuhu leeyahay Ucid soo jeedinteeda labada xubnood ee lagu kordhianayo Komishanka, xaq bay u leeyihiin ee ha u gudbiyaan Wakiilada; ma Faysla buu ku wareejiyey M/weynanimadii?; markii horena wuxu waddankii oo dhan ku wareejiyay Garsoorka; ka dib markii uu dhex (constant) ka dhigay dhar-dhaarkii fulinta!!!

 

Dhinaca kale, way mahadsan yihiin waddani, haddii ay caddeeyeen in aanay marna muran galinayn natiijadii doorashada, aqoonsan yihiinna M/weyne Muse ( waraysigii VOA-da); hadaba geediga hore ha loo wado? yaan dib danbe loogu noqon wixii tegay!!!

ugu danbyntii, shaki lama galin karo natiijadii Komishanka ee doorashadii M/weynaha, maxaa yeelay waxa jira-haddii aanan khaldanayn-go’aan maxakamadda sare soo saartay oo ay ku ayiday natiijadii Komishanku soo saaray.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac ; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Exit mobile version