Tan iyo intii lamagacaabay komishanka qaranka waxa soo baxay dhaliilaha iyo musuqmaasuq casriyeysan ee ay isticmaalayaan xubnaha komishanka qaranka. Waxanay ka mida in ay bilka hor shaaciyeen in ay qaadayaan imtixaankii gudoomiyayaasha gobolada dalka taasi oo ay soo wada mareen gobolada dalka loona fadhiistay imtixaankii gudoomiyayaasha gobolada dalka.
Qodobada ay isticmaalayeen oo ahaa mid xeeladaysan waxa ka mid ahaa
- in itixaankii markay qaadayeen ay sameeyeen indho sarcaad u eeg cadalad laakiin cidgaara ay u suntanayd
- in ay itixaankii lamaqnaayeen mudo 40 cisho ku dhow ama ka badan taasina keentay tuhun badan.
- In ay xooga saarayeen cid ay isku dhaw yihiin qof ka mida xubnaha comishanka
- Taasi oo ka hor imanaysaa wixii ay dadka u sheegayeen oo ahaa nin walba wixii qalinkiisu u gooyuu leeyahay
- Waxa kale oo ay isticmaalayeen saami qaybsi beeleed
Waxa ay imika shaaciyeen gobolka gabiley taasi oo u ka muuqdo madmadow badan horena loo hayey xanta ku sahabsan cida ay wataan ama xooga ay saarayaan
Waxa kale oo jira in dawlada lafteedu ku leedahay faragalin dhinaca cida gudoomiyaha laga dhigayo.
By Faarax Maxamed cabdi