Markaan soo maray Hargeysa Muqdishona arkay waxan ku qancay in xaaladda Somaliya ay ahayd mid ka soo daraysay ee aanay ahayn mid ka soo raynaysay. Go’aankii ugu horeeyay een qaatay wuxu noqday bal in horta aan ka tago shaqadii dawladda sife sharci ahna kaga tago. Wasaaradda Mashruuca Horumarinta Xeebuhu uu hoos iman jirtay oo Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha ahayd waxa Wasiir ka ahaa tan iyo markii la asaasay Eng. Cismaan Jaamac Cali oo ahaa shakhsiga keliya uu ku xidhnaa arinkaygu in uu iga aqbalo ama iga diido, laakiin markaa wuu ka maqnaa dalka oo wuxu ku maqnaa Jarmalka oo uu ku raagay. Intii aan maqnaa Wasaaraddu waxay yeelatay Wasiir Xigeen oo ahaa nin magaciisa la odhan jiray sida aan filayo Xasan Suudi laakiin agtiisa maan marin waayo maan aqoonin sabab macquul ahayd oo aan cudurdaar ka dhigtana may haynin. Subaxdii ugu horeysay ee Cismaan soo fadhiistay Xafiiskiisa ee uu ka soo noqday Dalka Jarmalka ayaan goor hore kalahay oo isa sii hortaagay xafiiskiisa si uu ii arko. Intii aanu xafiiska gelin ayaanu isa salaanay, dabeedna ma soo noqotay iyo haa waxan raaciyay Wasiir in aan ku arkona waan doonayaa hadii in yar oo wakhti ah ii heli karto. Hadda soo gal ayuu yidhi intuu xafiiskii galay aniguna waan ka daba galay.
Markii aan u sheegay muraadkayga markii hore gaashaanka ayuu ku dhuftay oo wuxu ku adkaystay; hadda ayuun baad soo noqtaye waana laguu baahanyay ee bal horta sanad shaqee, aniguna waan isa soo taagay. Markii dambe ayuun buu sua’aal i waydiiyay ” Ma carabta ayaad doonaysaa in aad qabato?” Maya ee waqooyi baan doonayaa in aan ku noqdo. Halkaa markay maraysay hadalkii ku xigay wuxu ahaa Cabdilqaadir waa Xoghayntiisii, markuu noo soo galayna si toos ah ayuun buu ugu yidhi Caligurey ruqsadiisa hadda soo garaac anigii baa rumaysan waayay waayo maan filayn in isla maalinta ugu horaysabay aan ogolaanshaha heli doono. Markuu baxay xoghaynti ayaan ka daba baxay. Wuxu i waydiiyay codsigaagi mee? Ma sito codsi ayaan idhi. Iskadaa aniga kuu qoriye 12kana igu soo noqon. Sidaa ayaan kaga tegay shaqadii dawladda.
Shaqo ka tegidaydu wax kale may ahayn ee lugna baqe lugna dirir bay ahayd iyo in aan markaan doono halkaan doono u dhaqaaqi karo. Waxa kale oon hindisayay Sharkad Gaar ah in aan sameeyo oo Muqdisho aanan ka guurin hadii aabay wax igu qasbaa dhicin.
Laba todobaad oo dambe ayaan sii joogay Muqdisho ka dibna Hargeysa ayaan dib ugu noqday. Intii aan maqnaa waxa iga dambeeyay kulan dhex maray Dhalinyaradii UFFO iyo General Gaani oo ahaa Taliyihii Q.26aad awooda ugu saraysa ee gobolkana isagu lahaa lakiin sida aan warka ku helay waxba lama kala korodhsanin murankii lagu fadhiistay ayuun baa lagu soo kala kacay. Kulankaasi dad badan ayuu shaki geliyay oo ujeedadiisa ka shakiyay waxanay u qaateen in la doonayaa in wejiyada inta ugu firfircoonayd dhalinyarada Hargeysa wejiyadooda lagu barto iyagana la sii kala Barto.
Isla maalnagaasi ayaa iigu horeysay maqalka warqadii yarayd ee Istencil ka ku qornayd ee UFFO ee markii dambena maxkamadii loo isticmaalay cadayn ahaanta. Maalmahaa waxa magaalada soo galay biladihii astaanta SNM oo hoos la isugu qaybinayaa. Hawshii samafalkuna waxa laga bilaabay Cisbatalka Wayn ee Hargeysa. Ku dhawaaqidii SNN taageerada ay shicibku u hayaan waxay ahayd mid aan qarsoonayn ee afartii meel wada joogtaaba ay ka sheejaysqbayso iyaga oo aan garanayn sida ay dhibaatooyinka haysta ay wax uga tarayso jabhad mucaarid ah oo lagaga dhawaaqay London iyo goorta ay noqon iyo muddada ay qaadan doonto midna