WAJAALE NEWS

Khayraadka Biyaha … Q1aad

Biyaha Waa mujiso iyo aayad rabbaani ah oo muujinaysa jiritaanka Allah subxaana Waa tacaala

Qodobkani Waa mid aynu ka soo qaadandoono khayraadka Biyaha  hadday tahay helitaankooda, Isticmaalkooda,  ka faa’iidaysashadooda, maamulidooda, illaalintooda, tayadooda, IWM. Maadama horumarku Ku xidhanyahay Biyaha si kastoo loo eegaba, balse waxay bulshadeenu tahay bulshooyinka ugu liita ka faa’iidaysiga Biyaha roobka iyadaynu arkayno Abaaraha baahsan ee dalka Ku dhuftay, oo la odhan karo Biyo la’aanta ayaa ah waxyaabaha dedejiyay  qaylo-abaareedda is qabsatay gudo iyo dibadba, iyadoo Ku socoto darajada afraad meelaha qaarkood, haddaan Allah inaga soo gaadhin.

Biyuhu Waa nolosha

noolaha,
Biyo la’aanna horumar ka jiro, jidhkeenuna 72%  wuxuu ka koobanyahay Biyo, marka si kale loo eegana Biyo ayaynu ka abuuranahay haddii aynu nahay Ibnu-Adam-ka iyo noolayaasha kale ee kawnkankan Allah Ku abuurayba. Biyaha Waa mujiso iyo aayad rabbaani ah oo muujinaysa jiritaanka Allah subxaana Waa tacaala.
Midabkooda, falgalkooda, dhadhankooda, socodkooda, shanqadhooda iyo in kaloo badanba biyuhu Waa gaar ( unique) oo aan shay kale oo lala shabihi karaa jirin. Dhamaan dareemayaasha aynu leeyahay kama jawaabi karaan Biyaha sifahooda hadday, ur, dhadhan, midab iyo in kaloo badanba tahay kama bixin kartid sharaxaad aad Shay kale uga tilmaan dhigtid, tusaale ahaan Shay ma odhan kartid urtii, midabkii, muuqaalkii Biyaha ayuu leeyahay. Diinteena Islaamkuna waxay biyaha ka dhigay inay noqdaan waxa kowaad ee lagu dahara  qaato ama nijaasta lagu tiro ( Asalu dahaara)  in la waayo mooyaane.
Culimada Saynisku waxay ogaadeen tijaabooyinka iyo baadhitaanada ay sameeyeen in biyuhu ka koobanyihiin laba curiye ( Elements) oo kala ah Hydrogen iyo Oxygen.

La Soco…Q2 Insha Allah

Eng.Maxamuud Muxammad Axmad

mmahmed_1435@hotmail.com

Exit mobile version