WAJAALE NEWS

Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak oo 15 sano oo xariga ah lagu xukumay

_103721853_049083278Hargaysa(wjn):-Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa 15 sano oo xariga ah lagu xukumay kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

Lee ayaa waxaa jimcihii lagu xukumay maxkamad ku taalla magaalada Seoul, waxaana sidoo kale la maray in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareeysa ilaa 11.5 milyan oo doolar.

Madaxweynihii hore ayaa ku doodaya in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadeysan.

Waa madaxweynihii afarad ee Koonfurta Kuuriya oo xabsi lagu xukumo.

Lee ayaan soo xaadirin maxkamadda markii uu xukunkiisa dhacayay, sababo la xiriira caafimaadkiisa darteed.

Park Geun-hye oo isagana horay madaxweyne uga soo ahaa ahaa dalkaasi Kuuriyada Koonfureed waxaa horay looga xukumay 33 sano oo xarig ah .

Lee xilliga ay maxkamaddu xukunka ku rideysay maxkamadda wuxuu uga maqnaa xaalad caafimaad darro oo la soo deristay.

Garsooraha maxkamadda ayaa wuxuu sheegay “xukunka in la adkeeyo iney sababtay dacwadda Lee lagu soo oogay oo ah mid aad u culus.”

Hargaysa Office

WAJAALENEWS.NET

WARIYE ABDIQADIR HABBANE

Exit mobile version