WAJAALE NEWS

Somaliland Ma 6 Gobolbaa? Ma 6 Gobol Iyo Gabileybaa? Misa Waa 13 Gobol?.

Waxa uu Madexweyne Cigaale dib u eegis ku sameeyay wax-soosaarkii iyo dhaqaalihii (Eng. Mohamed Abdillahi Nur)…………..

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maqaalkani wuxu daaha ka rogayaa jahawareerka ka jira Somaliland waa imisa gobol ? iyo seddexda marxaladood ee seddexdan su’aalood ka abuurmeen:

1. Heshiiskii shirkii Burao ee May 1991.
2. Dhaqaalaha dalka ( Dawladii Cigaal )
3. Ku dhawaaqistii 7 dii gobol ee Madexweyne Riyaale….

Heshiiskii shirkii Burao ee 18 ka May wuxu dhigayaa in Somaliland 6 dii degmo ee wakhtigii Ingiriisku gumaysan jiray noqdaan 6 gobol ,lixdaa degmo oo kala ahaa:
1. Hargeisa
2. Burao
3. Berbera
4. Borama
5. Erigavo
6. lasanood
Heshiiskaasi waxa kaliya ee uu ka duulayay magaaladee baa lahayd Status-ka degmonimo wixii ka horeeyay 26 June,1960,dhaqaale iyo wax –soosaarna xisaabtaba kumay jirin.
Waxay ahayd wakhtigii dalka dib loogu soo noqday nolosha iyo,duruufuhuba way adkaayee waxa kaliya ee la fikirayay halkee ayaan wax ka bilownaa.
Wakhtigii Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal ayaa dalka dib u dhiskiisii bilaabmay, wuxuna Madexweyne Cigaale dib u eegis ku sameeyay wax-soosaarkii iyo dhaqaalihii dalka waxana salaanka soo fuushay Gabiley oo noqotay meesha labaad ee dhaqaalaha dalku ka soo xeroodo marka laga reebo dekedda Berbera.

1994-2002 Waxa dalka ka samaysay Map kale oo ah 6da gobol iyo Gabiley taasi oo Gabiley miiska la soo fadhiisatay 6 dii Gobol.

2002-2005 Somaliland waxay gashay doorashooyin badan sida doorashadii dawladaha hoose, baarlamankii iyo Madaxtooyadii
Madaxweynena waxa loo doortay Madaxweyne Dahir Riyaale.

Doorashadii Madaxweynaha ( 2010 ) ee Madaxweyne Riyaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa hadana isbedel ku yimi mapkii dalka markii Madaxweynihii hore Daahir Riyaale riday Boom Shell weyn oo aan laga soo waaqsan karin oo danta kaliya ee laga lahaa ay ahayd ololaha doorashada wuxu Mudane Riyaale ku dhawaaqay 7 Gobol oo cusub oo ay Gabiley ka mid tahay,isla markaana Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku jiray ololahii doorashada uu ku indoorasgareeyay 7dii gobol ee cusubaa,Madaxweyne Axmed Siilaanyo 7da gobol ee cusubi wax qiima ah uma laha marka laga reebo 7 badhasaab u yaal oo uu u magacaabo goboladaas. Goboladan cusub badankood uma qalmaan gobolnimo marka aynu caqliga saliimka ku eegno, waxana mar kale dalkii ka samaysmay Map kale oo 13 gobol ah.

Hadaba su’aashu waxay tahay Somaliland ma 6 Gobolbaa? Ma 6 Gobol iyo Gabileyba? Mise waa 13 Gobol?

Allaa Mahad Leh,
Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa,Canada
Almis302002@yahoo.ca

Exit mobile version