WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Wejigii Labaad Ee Tiro-koob Madax Taabasho ah Iyo 10-ka Wasaaradeed Ee Ay Galeen

“Cidna Lama Eryayo Ee Waxa La Doonayaa In Qof Walba Laga Helo Shaqadiisa”

Hargeysa (Wajaalenews)- Gudoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa shalay ka hadlay wejigii labaad ee tiro-koob madax taabasho ah oo ay ka fulinayaan wasaaradaha dalka si ay u sugaan shaqaalaha rasmiga ah ee ka shaqeeya ha’yadaha dawladda.

Guddoomiyuhu waxa uu kormeer ku soo maray toban wasaaradood oo tiro-koobku ka socdo, kuwaasi oo kala ah wasaaradaha  Biyaha, Macdanta iyo tamarta, shaqada iyo arrimaha bulshada, Hawlaha guud iyo guriyeenta, Arrimaha dibada, Arrimaha gudaha, Beeraha, Gaashaan-dhiga, Xidhiidhka goleyaasha iyo  Madaxtooyada. iyadoo dhammaanba wasaaradahaasi  loo diray  kooxo  ka tirsan Ha’yadda  shaqaalaha dawladda  oo fulinaya tiro koobka madax-taabashadda ah.

“Ha’yadda  shaqaaluhu waxay ku dhaqaaqday kormeerkii madax taabshada shaqaalaha dawladda raacii labaad ee shaqaalaha wasaaradaha dawladda lagu tiro-koobayay, toban wasaaradood ayay hawl wadeenno ka tirsan Ha’yadda shaqaaluhu ka bilaabeen tiro-koobka. Hawshaasi si wanaagsan ayay uga socotay wasaaradaha aniguna kormeer ayaan ku soo wada maray dhammaantood,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaaluhu.

Prof. Mixille waxa uu xusay in qorshaha dib u habaynta shaqaaluhu ay tahay siyaasad qaran oo madaxweynuhu amar buuxa ku bixiyay, waxaanu ydihi “Waxa aanu  fulinaynaa awaamiirtii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ahayd in shaqaale tayo leh la helo, ee ahayd in dib u habayn lagu sameeyo  shaqaalaha ee Pulic service Reform-ka. Hawshaas oo muhiimadeeda leh ayaanu ku gudo-jirnaa oo aanu saaka (shalay) bilownay.”

Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaaluhu waxa uu sheegay in qorshahani aanu ahayn mid cid gaar ah lagu eryayo. “Waxaan maqlayey dad baa  lahaa malaa   waa nala eryayaa?, waar qofna lama eryayo,  qofka shaqadiisa jooga ee shaqada laga helo ciddina ma eryayso. Waxase aanu rabnaa in shaqaalaha rasmiga ah macluumaadkooda iyo waayo arragnimadooda ku ururino. Waxaan idiin sheegayaa tusaale ahaan qofkii dhinta ee shaqaale ah mushaharka illaa lix bilood lagama jaro oo waxa looga dhigayaa qoyskiisii tacsi. Marka dambena xuquudiisa ayuu yeelanayaa,”ayuu yidhi Prof. Maxamed Mixille Boqorre.

Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaaluhu waxa uu sheegay inay marka ay dhammaystiraan tiro-koobkan ay warbixin balaadhan ka soo saari doonaan.

Exit mobile version