TOG WAJAALE(W,N) Dugsiga Hoose dhexe ee magaalada Tog wajaale ee gobolka gabiley ayaa gabi ahaanba waxa uu isku badalay goobo ganacsi kadib markii dhinac kasta oo iskuulka ah laga furay meherado ganacsiga.
Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada oo socdaal ku tagay magaalada wajaale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida goobaha ganacsi loogu wareejiyay dugsiga muj mahdi cali
Agaasime axmed abokor ayaa amar ku bixiyay in deg deg looga raro dugsiga goobaha ganacsi isagoo m=badhasaabka gabiley faray in cidii diida laga qaado talaabo sharci.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;