Laascaanood (WJN)- Waxaa heer gabogabo ah maraya dadaallo la doonayo in lagu soo afjaro colaad bilihii ugu dambeeyay deegaanka koonfurta Laascaanood ku dhexmarayay labo beelood oo halkaasi wada dega.
Dadaalladaas waxaa hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax wasiirka Arimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo madaxda gobolka Sool oo ciidammo kala dhex dhigay beelaha dagaallamay.
Dagaalladii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay 20 qof iyadoo 60 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdule ayaa waxa ka warbixiyay halka ay marayso dhex dhaxaadinta labada beelood.
Halkan hoose ka dhagayso waraysiga
https://youtu.be/T4w8_wzt_DU