|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Ka Warbixiyay Halka Ay Marayso Soo Afjarida Colaadii Labada Beelood
October 2, 2018 - Written by Reporter:Laascaanood (WJN)- Waxaa heer gabogabo ah maraya dadaallo la doonayo in lagu soo afjaro colaad bilihii ugu dambeeyay deegaanka koonfurta Laascaanood ku dhexmarayay labo beelood oo halkaasi wada dega. Dadaalladaas waxaa hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax wasiirka Arimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo madaxda gobolka Sool oo ciidammo kala dhex dhigay beelaha dagaallamay. Dagaalladii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay 20 qof iyadoo 60 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdule ayaa waxa ka warbixiyay halka ay marayso dhex dhaxaadinta labada beelood.
Halkan hoose ka dhagayso waraysiga https://youtu.be/T4w8_wzt_DU Related posts:DAAWO ;Madaxdhaqameedka Odoyaasha Dhaliinyarada Beesha Madigaan Ee Gobolka Gabiley oo Xukuumada ku C... “Waxaa Jira Bilays Gaara Oo Ku Dhex Jira Ciidanka Booliska, Oo Telefoon Lagu Amro”Siyaasi Cali Gura... Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Gargaar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|