Hargeysa (WJN)- Ururka warshadleyda Somaliland ayaa waxa ay cabasho xoogan ka muujiyeen wareegto uu dhawaan Madaxweyne Muuse Bixii kaga joojiyay cashuur dhaafkii Xukuumadii hore u samaysay.
Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Ururka Warshadleyda iyo Ganacsato ka tirsan warshadleyda dalka ayaa waxa ay sheegeen in aanay Xukuumadu doonayn in ay kobciso Warshadaha dalka, Balse ay door bidayso in dalka dibadiisa ay ka keento alaabooyinka ay hayaan ee ay ku sameeyaan gudaha dalka.
Gudoomiyaha Ururka Warshadleyda Somaliland Maxamed Sheekh Cumar ayaa ugu horayn ka hadley kulankan, waxaanu fariin adag u diray Madaxweye Muuse Biixi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/qzfJbN8l6f0