HARGAYSA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay si rasmi ah u soo magacowday Wakiilkeeda cusub ee Somaliland.
Dowladda Itoobiya ayaa Siciid Muxumed Jibriil u soo magacowday Wakiilkeeda cusub ee Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo-xogogaal ahi.
Siciid Muxumed Jibriil ayaa haatan ahaa Gudddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa.
Siciid Muxumed Jibriil ayaa bedelaya Amb Shamsudiin Axmed Rooble oo hore u ahaa wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Dawlada Itoobiya ayaa hore u sheegtay in ay kor u qaadayso Derajada Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE