WAJAALE NEWS

Xisbiga Ucid oo ka digay Kor u kac ku yimaada qiimaha Shidaalka

Hargeysa (WJN)– Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa waxa uu ka digay qaaliyoow ku yimaada qiimaha Shidaalka xiliga kala guurka ah ee ee Xukuumadu la wareegayso Kaydka haamaha Shidaalka Berbera.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid ayaa waxaa uu xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in ay sameeyo qorshe lagaga hortagyo kor u kac ku yimaada qiimaha Shidaalka, Isagoo sheegay in hada ay muuqanayo qaaliyoowga Shidaalku.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version