WAJAALE NEWS

“Miyuu Jiray Xidhiidh Soo Jireen Ah Oo Ka Dhaxayn Jiray Somaliya Iyo Eritrea? Muj Cali Guray

Jawaabtu waa maya waayo intii ay Eritrea dalka ahaydba (1993) Somaliya may jirin ka hor burburtay (1991kii)Laakiin waxa ay madaxda Muqdisho dadka uga dhigayaan xidhiidhka soo jireenka ahi maaha wax kale ee Jabhadii EPLF ee ka soo horjeedi jirtay dawladda Itoobiya ayaa waxay ka mid ahayd jabhadihii xiligii Siyaad Barre uu Madaxwaynaha ka ahaa Somaliya uu taageeri jiray sidii Itoobiyaba xiligii Mingisto Haile Maryam ay u taageeri jirtay jabhadihii mucaaridka Somaliya ee ka soo horjeeday xukunkii Siyaad Barre. Intii ka dambaysay burburkii qarannimadii Somaliya wax la odhan karo cilaaqaad rasmi ah oo ka dhexeeyay Somaliya iyo Eritrea may jirin. Somaliya intii ay isku jirtay iyo intii Somaliland ay ka baxday midnimadii Somaliyaba mar kasta dalka Itoobiya ayay wax ka dhexeeyay haddana ka dhexeeyaa ay jiraan ee bal eega oo inta ka dhexaysaa miyay ka dhexaysay haddana ka dhexaysaa Eritrea. Dee waa maya waxa isaga dhaw xidhiidhka Somaliya iyo Kenya ka dhexeeya waayo dhul soomaaliyeed oo Kenya ahina (NFD)wuu jiraa xadna way wadaagaan Kenya iyo Somaliya.

Bal idinku waalidan cas eega! kulahaa Farmaajo waxanu dhexdhexaadinaynaa Jabuuti iyo Eritrea. Oo miyay u siman yihiin isaga oo waa u dhex oo ma kala xigaan labada dal? ta ka yaabka badan muxuu dhexdhexaadinayaa wuu ogyahay in Jabuuti ay tahay dhinaca lagu soo xadgudbay xadkeeda ee dagaalka lagu soo qaaday ee ilaa hadda maxaabiistoodii la haysto eh. Laakiin mooyi malaha Jabuuti ayaa raali ka ah waxan dawladda Muqdisho ay qulubaagediyayso. Waayo sidaasay ku taageertaa ciidankeedu u joogaa sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa Somaliya oo ay naftooda ugu huraan. Iyaguna Jabuuti waa lagu xadgudbay xataa afkooda ma soo marin karaan. Sidee bay markaa wax yihiin? Mooyi hadii aanay yaab iyo yaabka yaabkii uun ahayn

Dawladda Muqdisho waa looga fadhiyaa hadii ay wax heshiisiinayso oo waa tii loo dirtayba dibu heshiisiinta Somaliya laakiin taa uma jeedaan waayo waa hawl adag oo u baahan in loo dabar adaygo dhibteeda. Madaxda Muqdisho wax kale iska daaye safarada dhulka boodhka iyo siigada badan ma xamili karaan inay maalmo iyo todobaadyo iyo bilo ku sugnaadaan. Waxa uga fudud ugana dhib yar iyaguna ka jecel yihiin inay dalka dibaddiisa warwareegaan, Kolba dayuurad first clas raacaan oo hadba madaar caalami ah ka degaan iyagoon saxar ku duulin first class hotel ku degaan oo hadba ay ka dhex muuqdaan shirarka UN, Au IGAD oo sawiradooda laga dhex arko iyagoo suudhadh qurux badan xidhan laakiin dadkii ay madaxda u ahaayeen silic iyo darxumo ay qabaan. Calaa haadal xaal waanay ku faraxsan yihiin.

Farmaajo anigu waxan kula talin lahaa iska daa Jabuuti iyo Eritrea inaad heshiisiiso waay iyagu maaha kuwa u baahan inaad heshiisiiso. Haddaad wax heshiisiinayso malaha waxa kaaga baahan dadka iniba aad adigu Madaxwaynaha u tahay ee ku ogol ee in yariba ay meel go’doonka ku tahay. Iska daa wax kale waxad isu geysaa dadka ku nool magaalo madaxdii Gobolka Mudug ee Gaalkacyo eed ogtahay inay tahay magaalo keliya oo laba maamul goboleed ay kala xukumaan taariikhdeeda markii ugu horeysay mise waxad tahay ninkii la yidhi “soomaalidu ninkay adhiga kala quusato ayay geela u dirtaa”.

Exit mobile version