Kampala-(WJN)-Waxa iyana Kampala ku sii sugnayd Marwo Foosiya Xaaji Aadam
Kampala-(WJN)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Hasan Sheikh Mahamoud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaadhay caasimadda dalka Uganda ee Kampala halkaas oo ay kaga
qayb geli doonaan shirka beri uga furmaya magaaladda Kampala wadamadda ay ciidamada AMISOM ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya oo gudoomin doono Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, waxaanu waftigu isla maanta galinkii danbe uu la kulmay Madaxweynaha dalka Uganda.
Sidoo kale waxa shirkan ka qayb geli doona Madaxweynayaasha wadamadda ay ciidamadda nabad illaalinta ee AMISOM ay ka joogaan dalka Soomaliya oo kala ah Madaxweynayaasha dalalka Jamhuuriyadda Jibouti: Uganda, Burundi, Sierra Leone, Jabuuti iyo Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu ka hadli doono shirkan lagu falanqaynayo ajandayaasha ku wajahan Soomaaliya iyo mandaqadaba, waxaana ku soo dhaweeyay madax sarsare oo ka tirsan xukuumadda dalka Uganda iyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.