WAJAALE NEWS

Wasiirrada Arrimaha Dibeda Itoobiya, Eritrea iyo Somaliya oo Gaadhay Jabuuti

Djibouti (WJN) – Wasiirrada arrimaha dibeda ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somaliya ayaa gaadhay dalka Jabuuti, kaddib shir madaxeedkii maalintii shalay magaalada Asmara ku dhaxmaray madaxweynayaasha saddexda wadan.

Shirka ugu soo dhamaaday Jabuuti saddexda madaxweyne ayaa qodobadii ku jiray waxaa ka mid ahaa in wasiiradooda arrimaha dibedda ay u diraan Jabuuti si nabad looga dhex dhaliyo labada dal ee deriska ah.

Wasiirradan ayaa markii ay tageen dalka Jabuuti waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saartay wasaarradda arrimaha dibedda Jabuuti, hasse ahaatee maalinta berri ah ayaaa filayaa in saddexda wasiir arrimo dibeddeed iyo dowladda Jabuuti u bilowdaan wada hadallo.

Socdaalka ayaa qeyb ka ah dadaallo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea iyadoo ugu danbeynti-na la filayo in uu dhaco shir  ay yeeshaan madaxweynayaasha labada dowladdood.

 

Exit mobile version