Hargeysa(WJN)-Tartanka kooxaha heerarka koobaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium.
Tartankan oo ay ka qayb galidoonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray Qaabka kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup).
Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan ayaa waxa maalgalisay Shirkada Telesom, waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa HCTV.
Halkan Hoose Ka Akhriso Isku Aadka Tartanka FA CUP-KA Ee Somaliland.
Group A:
Goodir
FC Seico
Kirix Restaurant
Diana Club
Group B:
Xiddigaha Cirka
True Cable TV
FC Sooyaal
Buubaa Hotel
Group C:
Was. Maaliyadda
Was. Hawlaha Guud
FC Afgal
Was. Qorsheynta
Group D:
D.H.H
Was. Cadaaladda
FC Waaberi
Asluubta
Group E:
Gaashaan
FC Sh. Madar
Al Bacas FC
East & West
Group F:
Was. Ganacsiga
Hass Petroleum
FC Dannab
Was. Caafimaadka
Group G:
Was. Xananada Xoolaha
Ciidanka Dab-demiska
Maamuus Hotel
Was. Beeraha
Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaasina dhiirigaliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimada Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro.