|
|||||
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka
July 10, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa(WJN)-Tartanka kooxaha heerarka koobaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium. Tartankan oo ay ka qayb galidoonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray Qaabka kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup). Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan ayaa waxa maalgalisay Shirkada Telesom, waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa HCTV.
Halkan Hoose Ka Akhriso Isku Aadka Tartanka FA CUP-KA Ee Somaliland. Group A: Goodir FC Seico Kirix Restaurant Diana Club Group B: Xiddigaha Cirka True Cable TV FC Sooyaal Buubaa Hotel Group C: Was. Maaliyadda Was. Hawlaha Guud FC Afgal Was. Qorsheynta Group D: D.H.H Was. Cadaaladda FC Waaberi Asluubta Group E: Gaashaan FC Sh. Madar Al Bacas FC East & West Group F: Was. Ganacsiga Hass Petroleum FC Dannab Was. Caafimaadka Group G: Was. Xananada Xoolaha Ciidanka Dab-demiska Maamuus Hotel Was. Beeraha
Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland. Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaasina dhiirigaliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimada Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro.
Related posts:Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Jeelka Wayn Ee Magaalada Borama Iyo Deeq Kala Duwa... R-Wajaale: Casharkii 10-aad, Waxyaabaha Aan Soonka Waxba Yeelayn
Soo Jeedintii Sheekh Maxamed Macali... Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Si Faafaahsan Uga Waramey Shir Heer Caalami ah Oo Somali... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|