WAJAALE NEWS

Itoobiya oo Soo dhaweysay Ergada Eritrea ay u Soo dirsanayso Addis Ababa

Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmad ayaa soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki aqbalaadda uu aqabalay baaqii Itoobiya ee ahaa in la dhammeeyo murankii dhanka xadka labada waddan ku saabsanaa ee mudada dher soo jiitamayay.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu sheegay in uu wafdi u dirayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si loo sii wado baaqii nabadda iyo Itoobiya oo ogolaatay go’aankii guddiga Qaramada Midoobey uu ka gaadhay murankii xadka labada dal.

Dagaal labadan dal dhex maray intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 iyo 2000 ayaa la sheegayaa in Itoobiya ay uga dhinteen qiyaastii 50,000 oo qof halka Eritrea ay uga dhinteen qiyaastii 20,000 oo qof.

Bishan horaanteedii ayaa isbahaysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF wuxuu aqbalay go’aankii 2002 uu gaadhay guddigii Qaramada Midoobey ay u saartay muranka xadka labadani dal oo siiyey Eritrea dhulkii la isku haystay.

Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo Tv dalkiisa ka hadlay oo ka jawaabaya baqii nabadda ethiopia wuxuu yidhi.

Madaxweyne Afawerki wuxuu ka hadlay wixii hore u kala qabsaday lada dal, wuxuuse yidhi marka la eego sida xaalku yahay iyo wixii ay ka sheegeen baraha bulshadu ku wada xidhiidho iyo warbaahinta waxaan wafdi u direynaa Addis Ababa si ay u soo fahmaan xaaladda.

 

Exit mobile version