WAJAALE NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Jabhada Suldaan Wabar Iyo Awaamiir Culus Oo La Dul Dhigay!

BOORAMA(W,N):-Guud ahaan Xaalada gobolka awdal oo ah wakhti xaadirkan mid degan, ayaa haddana wali waxaan jira dhaqdhaqaaq ilaa maalintii shalay ka socoday galbeedka magaalada borama oo ay ku sugnaayeen jabhada suldaan Wabar.

kadib Markii maalintii shalay galinkii hore ay isku dhaceen ciidmada somaliland iyo kuwa suldaan wabar halkaas oo warar kala duwan oo kasoo baxay sheegayaan ilaa maanta in khasaaraha ka dhashay uu ahaa hal gaadhi oo kuwa somaliland lagu gubay, halka askari oo ciidamada somaliland  uu soo gaadhay dhaawac fududi.

Hadaba Wararka maanta laga helayo gobolka awdal ayaa xaqiijiyey in inuu jiro dhaqdhaqaad ciidan oo xoogan kaas oo ku aadan dhinaca xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo itoobiya, gaar ahaan deegaanada uu gobolka awdal la wadaago itoobiya ayaa wararka laga helayaa tibaaxeen in  somaliland ciidamo aad u xoogan gaysay  xuduuda u dhaxaysa itoobiya iyo somaliland iyadoo wararku sheegayaan amarka ciidamada ay kagaga anbaxeen gobolka awdal uu yimid kadib markii habeenimadii xalay ilaa shalay ay wada tashiyo iyo kulamo gaar gaar ahi u socdeen madaxda kala duwan ee ku sugan gobolka awdal oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland,gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland,,wasiirka wasaarada ganacsiga, iyo masuuliyiinta gobolku ay go,aamiyeen in awood loo adeegsado cidkasta oo qabad ku ah nabadgalyada gobolka.

Kulan ay wada yeesheen masuuliyiintani oo saacado badan qaatay hormuudna uu ka yahay madaxweyne ku xigeenka somaliland mr c.raxmaan ismacil saylici, madaxda goboka badhasaabka, maayirka, iyo odayaasha uu kasoo jeedo suldaan wabar ayaa kusoo gabogaboobay in la kala qaatay amaawiir culculus oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa arrinta suldaan wabar oo markii labaad xaalad nabad galyo darro ka abuurtay gobolka awdal.

Waxaana wararku intaa ku dareen in masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka gobolka awdal ku kala tageen in sida ugu dhakhsaha badan uu kusoo noqdo suldaan wabar arrintiisana lagu dhameeyo wadahadal haddii uu arrintaasi aqbaliwaayana waxaa uu madaxweyne ku xigeenka qaranka somaliland amar ku siiyey abaanduulaha ciidamada qaranka somaliland in gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhakhsaha badan isaga iyo kooxda uu hogaaminayaba.

Talaabadaasi uu madaxweynuhu  amarka ku faray abaanduulaha ciidmada qaranka somaliland iyo badhasaabka gobolka awdal kadib waxaa ciidamada somaliland galeen foojignaan adag uu ku aadan sidii loo raad guri lahaa aaga ama deegaanka ay ku sugan yihiin suldaanka iyo jabhadiisu, taasi oo  keentay in ciidamo badan oo kuwa qaranka somaliland lagu daad gureeyo soonaha xuduuda gobolka awdal la wadaago dalka itoobiya.

Dhanka kale Ciidmada Dawlada Itoobiya oo maalintii shalay Culeys xoogan soosaaray xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo itoobiya ayaa keenay in xaalad cakirani lasoo darista jabhada suldaan wabar oo iyadu ku dhuulaamaysanaysa deegaanada teedsan xuduuda itoobiya iyo Somaliland udhaxaysa,

Dadka deegaanka ku sugan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada dawlada itoobiya gaafwareegayaan deegaanka xuduuda gabi ahaan iyagoo baadigoob ugu jira soo qabashada suldaanka oo marka isku dhac yimaado ama uu weerar kusoo qaado somalilandba u baxsada dhinaca xuduuda dawlada itoobiya, halkaas oo uu deegaan ahaan aad u kala yaqaan ay degan yihiina bulsho badan oo hayb ahaan kasoo jeeda gobolka awdal.

Waxaana wararku intaasi ku dareen in fadhiisin buuraha ku yaala xuduuda oo ku sugnaayeen jabhada suldaan wabar dirqi kagaga badbaadeen waxyar uun ka intii aaney iman ciidamada dawlada itoobiya oo si adag ugu raad jooga soo qabashada kooxdan ku dhuumaalaysanaysa dhulka itoobiya, iyadoo saacad ka hor uun ay fadhiisinkan ka guureen ciidamada suldaan wabar intii aaney soo cago dhigan ciidamada itoobiya.

Somaliland iyo itoobiya oo dhawaan wafti ka socoda dawlad deegaanka somaalida itoobiya xubno wasiiro ahi kulamo kula qaateen wasiirada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland iyo madaxda kale ee amniga dalka, kuwaas oo go’aan ku kala qaatay in gacan layska siiyo dhinaca amniga ee labada dal islamarkaana aaney suurto gal noqon in cid dal kale dhibaato kasoo gaysatay ay ku dhuumato ama u baxsato dalka ay jaarka yihiin, arrintaas oo ay ka danbeysay kadib markii dhawaan ay jabahada uu hogaaminayo suldaan wabar ay goor subax hore ah weerar kusoo qaadeen saldhiga ciidamada booliska ee magaalada borama.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE.

 

Exit mobile version