Inkasta Oo Markii Hore Maamul Goboleedka Puntland Diidanaa Arrintaasi, isla markaana ka soo horjeeday, laakiin markii aanu isku soo qaadanay buugaagtii sharciga, isla markaana aanu u cadaynay in aanay midnimada horeba sharci ahayn.
GAROOWE(Wajaalenews) Daahir C/Qaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo ah Mudane hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Somalia, isla markaana haatan xubin ku ah urur siyaasadeed oo magaciisa la yidhaahdo Golaha Wada tashiga iyo saraynta sharciga ee Soomaaliyeed oo xaruntiisu tahay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia ayaa sheegay in ururkoodu ku qanciyay maamulka Puntland inay taageeraan afti 2-aad oo laga qaado dadweynaha Somaliland, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland ku kala dooranayaan inay qayb ka sii ahaadaan midnimadii burburtay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo inkale.
Mudane Daahir oo khadka telefoonka ugu waramayay Wargeyska Saxafi isaga oo jooga magaalada Garoowe waxa uu yidhi. “Waxaan ka hadlayaa masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo midnimaduba waxay ahaayeen qaar ku yimid Soomaali jacayl iyo doonis ay doonayeen dadka reer Somaliland, balse markii ugu horeysayba midnimadii way khaldantay, tusaale ahaan halkii dastuur mideeya labada dhinac ee midoobaya looga samayn lahaa waxa dastuur loo sameeyay shan Soomaaliyeed oo kala ah Djibouti, NFD iyo Reserve Area iyo labadii midoobay, waxaanay taasi ahayd khaladkii ugu horeeyay ee la galay, khaladkaasi oo marba marka ka dambaysay sii kordhayay, halka ay manta Soomaaliyi taagantahayna gaadhsiiyay” ayuu yidhi Mudane Daahir, waxaanu intaasi ku daray “Wax kasta oo bud-dhigiisu khaldamaa wuxuu la mid yahay alif kaa xumaadaa albaqra ayuu ku dhibaa, markaa marka horeba midnimadii ayaa khaldantay, mana jiro wax sharci ah oo ay ku midoobeen Somalia iyo Somaliland” Mudane Daahir CIiro isaga oo ka hadlaya xaaladda taagan waxa uu yidhi.
“Midnimadu waxay ku bilaabantay sagaal sannadood oo dawlad musuq-maasuq ah iyo markii dambe oo ay Milaterigii talada la wareegay sharcigii dalka laaleen, taasina keentay xaaladan burburka ah, balse markii ay meesha ka baxday dawladii milateriga ahayd waxay dadka reer Somaliland iskugu yimaadeen shir ay kaga arinsadeen sida uu mustaqbalkoodu noqon doono, isla markaana ay kaga noqdeen midnimadii ay la galeen walaalahooda Koonfurta, xaqna way u leeyihiin inay ka noqon karaan, markaa waxaanu qabnaa urur ahaan in loo tixgeliyo, isla markaana afti laga qaado dadka reer Somaliland ay ku go’aaminayaan aayahooda”.
Hase yeeshee, Mudanahani oo la weydiiyay maadaama oo ay xaruntoodu tahay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia, inay maamulka ka jira halkaasi ka dhaadhiciyeen inuu taageero aragtidooda, waxa uu yidhi. “Inkasta oo markii hore maamul goboleedka Puntland diidanaa arrintaasi, isla markaana ka soo horjeeday, laakiin markii aanu isku soo qaadanay buugaagtii sharciga, isla markaana aanu u cadaynay in aanay midnimada horeba sharci ahayn way nagu raaceen, waanay nala qabaan in afti laga qaado dadka reer Somaliland”. Dhinaca kale, Mudanahani oo la weydiiyay sababta ay xarun uga dhigan waayeen magaalada Muqdisho ee ay xarunta uga dhigteen Garoowe waxa uu yidhi. “Run ahaantii magaalada Muqdisho waxay noqotay check point (bar kaantarool) oo loo dhigtay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wax kale iska daayee naftii aadamuhu ay noqotay mid aan waxba ku fadhiyin, markaa Garoowe waxaanu u doorbidnay xagga ammaanka awgeed”. Ugu dambayn Mudanahani wuxuu sheegay in haddii la aqoonsado Somaliland ay Somaliland wax badan u tari doonto SOomaalida. “Somaliland waxay la mid tahay uun Djibouti oo ah dal SOomaaliyeed, isla markaana markii burburku dhacay ay dad badan oo Soomaaliyeed magan galeen, haddii Somaliland la aqoonsadana inay Djibouti ka badiso mooyaan’e ka yarayn mayso, markaa ma jirto sabab cid guul-daraysatay loogu khasbo cid guulaysatay, sidaasi darted waxa muhiim ah in haddii ay dadka reer Somaliland walaalnimo iyo jacayl midnimo ku dooneen, maantana waxay xaq u leeyihiin inay ka noqdaan, balse sifo sharci ah loo maro, isla markaana afti lagu go’aamiyo madax banaanida Somaliland, sababta oo ah dadka reer Somaliland 20-kii sannadood ee ina dhaafay waxay sameeyeen horumar aad u balaadhan iyo hannaan dawladnimo oo dimuqraadi ah, isla markaana Soomaalida oo dhan wax tar u leh”. Laakiin Mudane Daahir oo la weydiiyay aftida uu sheegay inay doonayaan in laga qaado dadweynaha reer Somaliland waxa ay kaga duwantahay aftidii la qaaday sannadkii 2001-dii oo ay dadweynaha reer Somaliland 97% ugu codeeyeen in laga baxo midnimadii Somalia waxa uu yidhi.
“HOrta aftida aanu doonaynaa waa mid aanu doonayno inay ka horeyso wacyi gelin fara badan, isla markaana laga wada qaado dhammaanba deegaamada Somaliland, oo lagu weydiinayo midnimadii Somalia ma ka noqonaa mise waynu ku jirnaa, laakiin aftidaa hore ee sannadkii 2001-dii waxaanu qabnaa inay jireen deegaamo ka mid ah Somaliland oo aan fursad u helin inay ka qayb galaan aftidaasi, sidaasi darteedna waxaanu annagu rumaysanahay in maanka lagu hayo in dalkii Soomaliyeed uu kala ahaa laba qaybood, isla markaana qaybtii la odhan jiray Somaliland xuduudaheedii xilligii Ingiriiska iyo Talyaaniga ay u kala qaybsanaayeen ay u kala qaybsanaadaan, islamarkaana qaybtii Somaliland ee INgiriisku xukumi jiray ay ka wada qayb gasho aftidaasi ayaanu qabnaa”
Xigasho Wargeyska Saxafi