BERBERA(W,N) Maayarka Maagalada Berbera Ayaa ka mid ah Maayarada Dalka Ee Intii Xukuumadii Silaanyo Jirtay ku Tagri falay Awooda Dawlada Hoose kaasi oo Gaadhay In Uu Dhulkii Danta Guud Ee Magaalada Berbera Gaar Ahaan Agagaarka Dekeda sifo sharci daro ah usiiyo xubno kamid ah Xukuumadii hore,
Maayar Maayar Cabdishakuur Cidin Ayaa kamid ah xubnaha sida ba,an uga cadhooday mooshin wax lagaga Badalayo Xeer No 23 Ee Golayaasha Deeganka Kaasi oo si fudud loo badali karo maayarada isku qaatay in ay leeyihiin kursiga.
Hadaba Maayar Cidin Ayaa Bilaabay Abaabulka Xubno waji ku macaasha oo uu u Adeegso Aflagaadaynta xildhibaanadii Golaha Korkeenay Mooshin oo uu Ugu Horeeyay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada rug cadaaga Ah ee golaha wakiilada kana soo jeeda gobolka saaxil oo uu saamayn badan oo siyaasadeed ku leeyahay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA XUBNAHA UU MAAYAR CIDIN USOO LIQIMAY OO WEERARAY GOLAHA WAKIILADA IYO XIL SICIID CILMI;