Hargeysa (W,N)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula Hadley magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan magaalada Baydhabo uga socday madaxda Soomaalida uu ahaa shir loogu tashanaayey Somaliland isla markaan hub loogu uruurinaayey maamulka Puntland.
Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa sheegay in wax argagixiso la yidhaah-daa aaney ka jirin maamulka Puntland , balse ay tahay mashruuc ay madaxda Puntland dalalka reer Galbeedka ay lacag kaga cunaan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka