WAJAALE NEWS

Xildhibaankii Ugu Horeeyay Iyo Xubno Aqoonyahan Ah Oo Ku Dhawaaqay Inay Diyaar U yihiin Difaaca Qaranka Somaliland, Una Sii Jeedaan Jiida Hore.

BERBERA(W,N)- Xildhibaan ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada  Berbera Ee gobolka Saaxil iyo Xubno Aqoonyahan ah  ayaa  waxa ay ku dhawaaqeen in ay galayaan dagaalka islamarkaana ay  diyaar u yihiin Difaaca Qaranka Jamuuriyada Somaliland Oo dagaalo daan daansi ah ay kusoo qaaday Maamulka Somaliya oo huwan  Shaadhka Maamul Goboleedka Punthland,

 Xildhibaan Iid Saleebaan Cali Iyo xubnaha aqoonyahanka ah  ayaa Bayaankan ku shaaciyay  mar ay caawa khadka telefonka ugu Waramayeen Shabakada Warar Ee Wajaalenews,

“Aniga o ah Xildhibaan Iid Saleebaan kana tirsan golaha Deegaanka Magaalada Berbera ayna Iweheliyaan Dhalinyaro Aqoonyahan  ah Oo Udiyaar u ah difaaca Dalkoodu waxaan ku shaacinayaan in aanu diyaar unahay sidii aanu udifaaci lahayn Somaliland isla markaana Aanu tagayno jiida hore ee ciidamada qaranku ku sugan yihiin.

Isagooo Xildhibaanu Hadalkiisa siiwana wuxu Intaa ku daray, “Waxkasta oo uu nagu tagayo Dagaalku diyaar Ayaanu Unahay, Wax Dhulka naga yaalaana Majirto hubna Aanu ku dagaal galaynana Waxaanu kasoo Qaadaynayaa Xaafadahayaga , Ayuu yidhi Sildhibaan Iid Saleebaan,

 

Dagaalada Udhaxeeyay Somaliland iyo Maamulka somaliya ayaa mudooyinkii Udanbeeyay noqday mid goor kasta lafilan karo in uu qarxo iyadoo tiraba laba jeer ay ciidamada Somaliland Weeraro kuusoo qaadeen  wallow ay ciidanka qaranku iska difaaceen islamarkaana ay jabiyeen huwantii soo weerartay,

Xildhibaanka katirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo xubnahan Aqoonyahanka ayaa noqonaya shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca qarankooda halka ay tageero laxaadlena u noqonayso Ciidamada jiida hore ku Sugan Ee Somaliland .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

 

Exit mobile version