WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Komishanka Tamarta Iyo Magacyadooda

HARGAYSA(W,N) Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi ayaa 7xubnood umagacaabay Komiishanka Tamarta  Somaliland, kaasi oo wasaarada  macdanta iyo Tamarta ka madaxbanaanaynaya maamulka korontada Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  Komishanka Tamarta. oo ka kooban 7 xubnood  guddoomiye uga dhigay Axmed Faarax Cadare. Wasiirkii hore ee cadaalada xukuumadii axmed siilaanyo

Xubnaha kale ayaa kala ah:

Axmed Faarax Cadare Gudoomiye

Cabdirisaaq Maxamed Cumar – Guddoomiye kuxigeen

Liibaan Maxamuud Axmed – Xubin

Khadar Cabdi Khayre – Xubin

Ubax Maxamed Maxamuud – Xubin

Cabdirisaaq Maxamud Cali – Xubin

Yuusuf Jaamac Cali – Xubin

Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow), ayaa ah Agaasimaha Guud ee komishankan.

Magacaabista komishanka tamarta Somaliland ee madaxwaye biixi magacaabay ayaa khilaafsan xeer korontada Somaliland ee dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen oo qeexaya qaabka loo looso xulayo komishankan iyo meelaha ay ka kala imanayaan.

Majirto wareegto rasmi oo faah faahinaysa sharciga uu madaxwaynuhu uxuskaday magacaabiska komishanka korontada Somaliland

XIGASHO SOMALILANDTODAY.

 

 

Exit mobile version