WAJAALE NEWS

Daawo: Guddida Qaban-qaabada Xuska 18-MAY Oo Baaq U Diray Bulshada, Jawaab Adagna Siiyay Xisbiga Waddani

Hargeysa (W,N)- Guddida qaban-qaabada munaasibadda heer qaran ee 18-ka May, ayaa mar kale faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay hawluhu u marayaan, abaabulka ay ku jiraan iyo qorsheyaasha loo asteeyey in loogu dabbaal-deggo munaasibadda la wada sugayo ee 18-ka Bisha May oo munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan darteed sannadkan dabbaal-deggeeda loo soo raray maalinta ay bisha May tahay 15-ka, waxaana ay jawaab culus u direen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo dhaliilay go’aanno ay guddidu hore usoo saareen.

 

Guddidan oo maanta xarunta qasriga madaxtooyada kula hadlay warbaahinta, ayaa ugu horrayn bulshada u faah-faahiyey qaabka ay guddi ahaan isla garteen in loo xuso munaasibadda qaran ee 18-ka May oo bisha barakaysan ee Ramadaan darteed hore loosoo dhigay, waxaana ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uga digeen inuu bulshada ku jaah-wareeriyo waxyaabo dhaawacaya midnimadooda.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Exit mobile version