|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Guddida Qaban-qaabada Xuska 18-MAY Oo Baaq U Diray Bulshada, Jawaab Adagna Siiyay Xisbiga Waddani
May 9, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- Guddida qaban-qaabada munaasibadda heer qaran ee 18-ka May, ayaa mar kale faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay hawluhu u marayaan, abaabulka ay ku jiraan iyo qorsheyaasha loo asteeyey in loogu dabbaal-deggo munaasibadda la wada sugayo ee 18-ka Bisha May oo munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan darteed sannadkan dabbaal-deggeeda loo soo raray maalinta ay bisha May tahay 15-ka, waxaana ay jawaab culus u direen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo dhaliilay go’aanno ay guddidu hore usoo saareen.
Guddidan oo maanta xarunta qasriga madaxtooyada kula hadlay warbaahinta, ayaa ugu horrayn bulshada u faah-faahiyey qaabka ay guddi ahaan isla garteen in loo xuso munaasibadda qaran ee 18-ka May oo bisha barakaysan ee Ramadaan darteed hore loosoo dhigay, waxaana ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uga digeen inuu bulshada ku jaah-wareeriyo waxyaabo dhaawacaya midnimadooda.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Related posts:Daawo: Turkiga Oo Jabiyay Rikoodhkii Magan Galinta Qaxootiga Dunida Tiradii Ugu Badnayd Ee Baro Kaca... Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Talaabada Ay Somaliya Ku Joojisay Duulimaadyadii Madaarka Hargaysa... Gudoomiye Baashe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Ugasoo Baxay Madashii Buuhoodle ee Lagu Caleemo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|