WAJAALE NEWS

Afar Qof Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Mandheera

Hargaysa (W,N):- Weerar ay ka qaadeen koox looga shakisanyahay inay Shabab yihiin ayaa lagu dilay afar qof magaalada Mandheera, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Afar qof oo kasoo jeedo gobollada kale ee dalka kenya oo ka shaqaynayay goob dhagaxnta laga qodo ayaa xalay lagu dilay halkaasi, Waxaana dilka dadkani loo adeegsaday qori iyo faas.

 

Taliyaha booliska ee gobolka wuxuu sheegay in afarta lagu dilay goobti ay ka shaqaynayeen.

Isu duwaha arrimaha ammaanka gobolka waqooy bari Maxamuud Saalax wuxuu sheegay in dadka fuliyay weerarka ay kaga shakisanyihiin inay Al-Shabab ahaayeen islamarkaasna ay baacsanayaan.

Mid kamid ah saraakiisha ugu sarraysa booliska oo aan magaciisa sheegin sababo jiro aawadeed ayaa sheegay in koox ka badan 10 dagaallamayaal ay xabado ku fureen goobti ay joogeen shaqaalaha dhagaxanta qodayay.

Wuxuu intaasi ku daray sarkaalka in dhaawac kale uu jiro.

Afahayeenka booliska kenya Charles Owino ayaa xaqiijiyay weerarka dadka lagu laayay.

Wuxuu sheegay “in weerarka lala beegsanayay dadka aan kasoo jeedin gobolkaasi’

Owino ayaa intaasi ku daray in booliska ay helleen warbixinno sheegaya in gobolka ay weeraro ka dhici rabaan ayna si wayn u adkeeyeen ammaanka balse cid og ma jirin bu yidhi halka lala damacsananaa weerarka.

Howlgal ammaan ayaa laga billaabay deegaankaasi si ay loo baacsado kooxo la rumaysan yahay inay u tallaabeen dhanka dalka Soomaaliya.

 

Exit mobile version