WAJAALE NEWS

FAALO;Hirdanka Beesha Bariga Burco Ugu Jirto In Madaxwayne Siiraanyo Kursiga Ku Sii fadhiyo Ilaa Sanadka 2020 Iyo Baahida Loo Qabo Mucaarad Qaranka Badbaadiya.

Meerayaasha Guudkiyo

Moorada Godkeediyo

Minka Sare Ma Eegee

Saadaasha Maankiyo

Maskaxdaan Ka Tuujaa.

 HARGAYSA(Wajaalenews) Waa sadaro hufan oo aan ku habeeyay hadimooyinka iyo hagardaamooyinka Madaxweyne Siilaanyo u gaystay geedi socodkii dimuquraadiyada iyada oo ay qarka u saaran tahay in uu burburo nidaamkii doorashooyinka xorta ahaa.

Waa qormo bulshada aan ku hogo tusaalaynayo daruurtii qabyaalada oo ku dul hooraysa gudaha xisbiyada siyaasada somaliland,Waa qormo aan hilaabta kaga qaadayo boogaha huursan ee u gogol xaadhaya in Doorashada Madaxwaynuhu dib u dhacdo ilaa Sanadka 2020 (ilayn Doqoni hoosiis bay hadh moodaaye) Waa qormo bulshada ugu iftiimin doono habqanka iyo habaaska ay hogaamiyayaasha mucaaridku ku jiraan ee hadafkoogii iyo hamigoogii ka dhigay mid ma dhalays ah.

Waa qormo diirada saaari doonta Jidka qalooca ee ay cagta saartay dimuquraadiyada S/land anigoo farta ku fiiqi doona hirdanka muuqda ee beeluhu ugu jiraan hanashada kursiga madaxweynaha iyo fursadaha ay kala haystaan sadexdan beelood ee ku kaliyaystay saaxada Siyaasada Somaliland.

Waa qormo aan baroordiiq uga dhigayo Beelaha Sool iyo Awdal oo aan ka muuqan gudoonka Sadexda Xisbi Qaran iyo caqabadaha ku gudban ee aan suurtogal ka dhigayn qabsoomida doorashooyinka ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada,Sidoo kale waa kala huf iyo kala haadin aan diirada ku saarayo sidii loo heli lahaa cudud midaysan oo mucaaridku yeesho kaasoo ku sanduleeya Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in aanay mudo kordhin danbe u suuro galin.

Hadiise aan kusoo noqdo dulucda maqaalkaygan Anigoo si qoto dheer ugu lafo guri doona aragtida dheer ugu horayn waxaa iswaydiin mudan imisa fursadood ayay haysataa Beesha Habar Jeclo oo u rumaynaya in madaxweyne silaaanyo kursiga kusii fadhiyo ilaa 2020 ka? Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan imisa fursadood ayay haysataa Beesha Garxajis oo ka caawin kara sidii ay u heli lahaayeen cudud baaxadle oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku sandulayn karta in Doorashada Madaxwaynuhu qabsoonto waqtiga loo cayimay Sidoo kale Beesha Habar Awal ma haysataa fursado ka saacidi kara sidii ay u heli lahaayeen cudud midaysan oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku qasbi karta in doorashada Madaxwaynuhu waqtiga loo cayimay ay qabsoonto

Hirdanka muuqda iyo xeeladaha qotada dheer ee beesha Bariga Burco ugu jirto in Madxawayne Siiraanyo kursiga ku sii fadhiyo ilaa Sanadka 2020 waxaan ku soo koobayaa Shan qodob oo aan u arko in ay gundhig u yihiin caqabadaha ku gudban qabsoomida doorashooyinka  oo suurogal ka dhigaya inay markale ay rumawdo mudo kordhin Labaad uu helo Madaxweynne Siilaanyo

shantan qodob ayaa kala ah

1.Caqabada ugu wayn ee ku gudban iyo dabarka ugu adag ee lagu xidhay Doorashada Madaxwaynuhu waa  Labada doorasho ee Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiilada ee la isku lamaaneeyay

2.KHilaafka cakiran ee ka taagan xeerka lagu soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Wakiilada walina aanay muuqan  yididiilo tilmaamaysa in xal loo heli karo  waxaase iswaydiin mudan imisa Sanadood ayay Doorashada Madaxwaynuhu u dabranaan doontaa doorashada lagu lamaaneeyay

3.Furitaankii wadahadlada S/land iyo Somaaliya waxaa hubaala Dhaqaalihii ka soo kordhay in Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo in ay ku wiiqdo cududa Xisbiyada Mucaaradka waxaanay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku guulaysatay in ay si farshaxana ugu furfurto Xisbiyada Mucaaradka waxaana jswaydiin mudan waa imisa tirada Xisbiyahanada ku gunaysan [Xill Suge] ee qaata mushaharka Golaha Wakiilada ama Golaha Wasiirada

  1. Burburka dhaqan ee ku habsaday Beesha Sacad Muuse iyo Jilayaasha Xisbiga Kulmiye ama Hanka Haakah sugayaasha ee ku qanacsan Humaagyada indho Sarcaadka ah ayaa lagu tilmaamaa caqabada Afraad ee ku gudban in doorashada Madaxwaynuhu waqtiga loo cayimay ee 27/4/2017 ku qabsoonto waxaase iswaydiin mudan imisa Sanadood ayay sii socon doontaa Riwaayada Xisbiga Kulmiye ka dhex socotaa?

5.Beesha Habar Jeclo waxay ku guulaysatay in Madax iyo Mijo iskuduubni iyo cudud midaysan ku waajahaan xaalad kasta oo ay kala kulmaan Xisbiyada Mucaaradka marka laga reebo Xildhibaan Rayte [TOLWAA] oo ah Siyaasiga ku kaliyaystay saaxada Xisbiyada Mucaaradka   dhanka kale Beesha Habar Jeclo waxay ku guulaysatay in ay kala qaybiso Labada Beelood ee Garxajis iyo Awal iyadoo labada beeloodba  u maaro  waayeen in ay xal u helaan khilaafyada  dhexdooda ah

Shantaa Qodob ee kor ku xusan  ayaan idinku soo koobay in ay gundhig u yihiin caqabadahaku gudban doorashooyinka dhabadana u xaadhaya in ay rumawdo Hanka Beesha Bariga Burco Madaxwayne Siiraanyana Kursiga ku sii haysanayo ilaa Sanadka 2020

La soco Qormada xigta oo ku lafo guri doono Fursadaha ay kala haystaan Beelaha Garxajis iyo Habar AWAL.

 

Hargeisa Somaliland

Wariye Hassan Cali

Email;Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version