WAJAALE NEWS

Shirkada HASS PETROLEAM Oo Sheegtay In Kaydka Haamaha Berbera Lagu Shubay Shidaal Xun

Hargaysa (W,N):- Masuuliyiinta Shirkada HASS PETROLEUM ayaa Xukuumada Somaliland iyo Wasaarada Ganacsiga ugu baaqay in ay talaabo deg deg ah ka qaado Shirkadaha Dalka Keenay Shidaalka xun ee khasaaraha gaystay ee Dalka soo galay.

 

Sidoo kale Shirkada Hass Petroleum ayaa iska fogaysay in aanay iyadu dalka keenin wax Shidaal ah oo xun iyadoo tilmaantay in Shidaalkii ku jiray Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera ee wanaagsanaa labadii Todobaad ee ugu danbeeyay lagu dul shubay Shidaal Xun taasina ay sababtay in Dhamaan Shidaalkii uu wasakhoobo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version