WAJAALE NEWS

Dawlada Jabuuti Oo Tamar Ka Dhalineysa Uumiga

Djibouti (W,N):- Iyadoo Dalka Jabuuti uu ka mid yahay waddamada Afrika ee koronto la’aantu ay dhibaato ku heyso, horumarna ay ka hor taagantahay ayaa waxa ay dowadda Jabuuti sheegtay inay cilmi baadhis ku ogaatay inay heshay tamarta uumiga laga dhaliyo ee loo yaqaan Geothermal Energy, ayna ka shaqeyneyso sidii ay uga faa’ideysan laheyd.

 

Sidoo kale waxa ay Dawlada Jabuuti ku guulaysatay dhaqaajinta Labada Ceel ee u horeeya ee Tamarta Geothermal Energy, Iyadoo dhawaan lagu xigsiin doono 10 ceel oo hada faraha lagu hayo.

 

Dhanka kale Agaasimaha guud ee hay’adda dawlada jabuuti u qaabilsan horu marinta tamarta laga dhaliyo uumiga Dr. Qayaad Muuse Axmed ayaa ka hadlay cilmi baadhistan ay dawladu ku ogaatay tamarta laga dhaliyo uumiga.

Dr. Qayaad oo ka hadlaya  dedaalka ay jabuuti u gashay tamarta uumiga ayaa waxa uu yidhi ““sanadkii 2017-kii dedaal weyn ayaanu samaynay markii aanu ogaanay in jabuuti laga helayo tamarta uumiga laga dhaliyo, inaan maanta hawshii daba galno oo aan dalka u soo saarno toban ceel oo tamarta uumiga laga helay, waxaana raacsan warshadii dhalin lahayd tamarta marka la soo ururiyo uumiga, lacagtii warshadaas lagu samaynayeyna waa diyaar.”ayuu yidhi Dr.Qayaad.

Dr. Qayaad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Tamar la dhigmaysa tan uumiga oo ilaahay dhulka galiyey  jabuuti ma haysato, 24 saacadood wuu soconayaa wadankana anfac badan ayey u yeelanaysaa, maanta tamar la,aana wadan meel gaadhi maayo, labada dagaal ee aduunka ka socda maantana waa tamarta iyo biyaha,markaa in tamarta quwad la saaro waa muhiim waxaana ku xidhan isbadalkii wadanka ee dhinacyada dhaqaalaha, beeraha ,biyaha iyo wax walba.”

Exit mobile version