WAJAALE NEWS

Daawo: Safiirka Somaliland U Fadhiya Jabuuti Oo Ka Qayb Galay Shir Urur Goboleedka IGAD Soo Qaban Qaabiyay

Djibouti (W,N):- Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Ambsador Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa uu ka qayb galay Shir Uruur Goboleedka IGAD Soo qaban qaabiyay oo ka dhacay Dalka Jabuuti  islamarkaana lagaga hadlayay sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada.

 

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee uu ku leeyahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa daahinayay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng, Maxbuub Macalin, waxaana ka soo qayb galay Dublamaasiyiinta Dalalka Shisheeye u jooga Jabuuti  iyo Wafti heersare ah oo uu kamid yahay Ku-xigeenka Xoghayaha Arimaaha Dibada ee Dalka Mareykanka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/sq_1VDOzNns

Exit mobile version