|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Safiirka Somaliland U Fadhiya Jabuuti Oo Ka Qayb Galay Shir Urur Goboleedka IGAD Soo Qaban Qaabiyay
April 28, 2018 - Written by Reporter:Djibouti (W,N):- Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Ambsador Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa uu ka qayb galay Shir Uruur Goboleedka IGAD Soo qaban qaabiyay oo ka dhacay Dalka Jabuuti islamarkaana lagaga hadlayay sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada.
Shirkan oo ka dhacay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee uu ku leeyahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa daahinayay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng, Maxbuub Macalin, waxaana ka soo qayb galay Dublamaasiyiinta Dalalka Shisheeye u jooga Jabuuti iyo Wafti heersare ah oo uu kamid yahay Ku-xigeenka Xoghayaha Arimaaha Dibada ee Dalka Mareykanka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sq_1VDOzNns Related posts:Gudoomiyaha Wadani Oo Galabta Shacabka Degmada Maxamuud Haybe Kala Qaxweeyay Goobaha Ay Iskugu Yimad... Ciidamada Liyuu Booliska Oo Ka Kaxaystay 40 Oday Oo Isugu Jira Salaadiin Iyo Madaxdhaqamed Magaalad... “Komishanka Iyo Maxkamada Sare Yaanay Dadka Isku Dirin, Dalkana Burburinin, Madaxwaynuhuna Ha Ogaado... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|