WAJAALE NEWS

Gudoomiye Jawaari Oo Dirqi kaga Badbaaday Mooshin Xilka lagaga Tuurayay, kadib Faro Galinkii Dekeda Berbera Iyo Xaaladda Maamulka Muqdisho.

MUQDISHO( W,N) Xildhibaanadii Ugu Tirada badnaa Ee katirsan Barlamaanka Somaliya ayaa bilaabay shirar iyo mooshin ay xilka kaga tuurayaa gudoomiyaha Golaha Jawaari kuwaasi oo ku Eedeeyay inUu xilkiisii Gudan waayay, halka ay dhinaca kalena tilmaameen in uu ku kacay faro galin ka baxsan shaqadii loo doortay.

Hadaba xildhibaanada oo gudbiyay mooshin ka dhan ah ayaa wuxuu gudoomiyuhu ka badbaaday dirqi

Khilaafka golaha baarlamaanka maamulka muqdisho ayaa bilaabay mooshinkan kadib markii dhawaan ay ku kaceen Baarlamaanku go,aamo ay ku faro Galinayaan heshiis ay Somaliland la gashay shirkada Dp World.

Talaabadan ayaa mamulka muqdisho u horseeday khilaaf iyo kala qaybsanaan ku timaada xukuumada aan cagaheeda ku taagnayn ee Koonfurta Somaliya

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA KU SAABSAN GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA SOMALIYA ;

Exit mobile version