WAJAALE NEWS

Muhaajiriin Lagu Qabtay Xuduuda Maraykanka

Hargaysa (W,N):-Dowladda Mexico ayaa sheegaysa in la badbaadiyay oo la qabtay labo boqol oo qof oo muhaajiriin ahaa.

 

Dadkan ayaa lagu soo waramayaa inay safrayeen biyo iyo cunto la’aan iyagoo saarnaa labo gaadhi oo kuwa waawayn ah
Waxayna dadkani u socdaalayeen xuduuda koonfureed ee gobolka Taxes iyagoo doonayay inay galaan dalka Maraykanka.
Labo gaadhi oo kuwa waawayn ah ayay dadkani saarnaayeen oo lagu soo dhexqariyay waxaana la sheegay inuu xaalkoodu aad u liitay.
Dadkan muhaajiriinta ah ayaa ka kala yimid wadamada Honduras, Guatemala iyo El Salvador
Sadax qof ayaa loo xidhay oo looga shakisan yahay inay dadkani safrinayeen kuwaasoo ahaa mukhalasiin dadka safriya
Bishii la soo dhaafay waxaa sidoo kale la qabtay dad ka badan boqol qof oo iyagana haajirayay
Kumanaan qof ayaa u safra dalka Maraykanka kuwaasoo sharci la’aan ku doonaya inay wadankaasi ku gallaan.

Exit mobile version