WAJAALE NEWS

Saraakisha Ciyaaraha Qalama Rogadka Ee Dalka Maraykanka Ayaa Loogu Baaqay Inay Is Casilaan.

_99772157_406fd24a-4eca-4940-981f-904346e70b75Hargeisa(wjn):-Saraakiisha ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay iscasilaan, taasi oo salka ku heysa qaabka ay u wajaheen fadeexad dhanka xadgudubyada galmada oo uu ku dhaqaaqay dhaqtarkii hore ee kooxda oo lagu magacaabo Larry Nassar.

Guddiga Olympikada ee dalka Mareykanka ayaa ku hanjabay inay xilka ka qaadi doono dhamaan mas’uuliyiintaasi, waa haddii bay yiradeen aysan iscasilin. Shan kamid ah saraakiishaasi ayaana durba iscasilay.

Nassar oo ah dhaqtarka lagu helay fadeexadda ayaa lagu xukumay xabsi dhan 175 sano, isagoona lagu helay dambi ah inuu ku xadgudbay inkabadan boqol iyo konton gabdho oo uu isaga dhigay inuu daweynayo.

Faraxumeynta loo geystay gabdhahani ayaa dhacday labo sano kahor, waxaana madaxda ciyaaraha qaalaamaa rogod-ka Mareykanka ay qirteen in aysan wax badan ka qabanin arrintani markii ay ka warheleen xadgudubyada uu ku dhaqaaqay dhaqtarka.

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.Net

Wariye:-Abdulkadir Habane

Exit mobile version