Hay’adda Human Rights Watch, waxa ay xustay in ciidamadda booliska ee Kenya oo ku marmarsoonaya sugida ammaanka qaranka Kenya, in ay si khaas oo oo hayb sooc ah ay u bar-tilmaameedsadaan dadka qaxoontiga ah ee Soomaalida ah iyo dad
kale rayid ahba.
Iyaga oo ciidamadda ammaanka ee Kenya si sandule ah ku gala una booba meheradaha ganacsiga iyo guryaha, soona xidh xidha dad Soomaali ah oo isugu jira qaxoonti iyo dad kale oo Soomaali ah oo haysta dhalashada Kenya oo isugu jira Wariyayaal, Iyo shaqaale.
Madaxa hay’adda Human Rights Watch, u qaabilsan qaaradda Afrika Mr Daniel Bekele ,ayaa tibaaxay in hawl-gallada ay ciidamadda booliska Kenya oo bilaabmay horaantii bishii Afraad ee sanadkan 2014-ka ee ay sida gaarka ah ugu bar-timaameedsanayaan dad gaar ahi uu yahay mid waxyeelo xad-gudub ah ku ah sharciga xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Kenyka ah iyo xuquuqda dadka qaxoontiga ah, iyo shuruucda xuquuqal insaankaba.
Hay’adda Human Rights Watch, waxa ay ka codsatay oo ay u soo jeedisay dawladda Kenya in ay awood buuxda oo rasmi ah ay u siiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, masuuliyadda maaraynta arrimaha dadka qaxootiga,ah ee ka soo cararay dagaaladda iyo colaadaha oo ay ku jiraan dad tiro badan oo ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee ku yaala Kenya.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane