WAJAALE NEWS

Daawo: Madaxwaynaha Jabuuti Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxwaynaha Somaliland

Djibouti(W,N)-Madaxweynayaasha Labada Dal ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankoodii labaad maanta ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Jabuuti.

Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ayaa qaatay saacado, waxaana markii kulanku soo xidhmay saxaafadda la hadlay wasiirada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti oo si faah-faahsan uga warbixiyey  ujeedada uu daaranaa kulankaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version