WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyada Oo Magacaabis & Xilka Qaadis ku Sameeyay Qarkamida Maamulayaashii Kastamada Iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaarada+ Dareenada Ka Dhashay,!!

HARGAYSA (W,N) Wasiirka  Wasaarada maaliyada Ee dhawaan Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Uu xilka Wasarada Usoo Magacaabay Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Ayaa Magacaabistii Ugu Horeeyay ku Sameeyay Maamulayaasha Kastmada Dalka Qaar  iyo qaybo kamida Agaasimo waxeedyada wasaarada maaliyada

Talabadan isku shaandhaynta ee wasiirka maaliyadu qaaday ayaa noqotay mid dareeno kala duwan ka dhex abuurtay gudaha shaqaalha wasaarada maaliyada iyo dadka isda dhow ula socda  dhaqdhaqaaqa wasaaradamaaliyada

Sidoo kale  arinta uu wasiir yuusuf ku biaabay shaqada wasaarada ayaa  shaqaalaha wasaarada dib u xasuusiya hadalo uu hore  ugu tiraabi jiray xiligii uu shaqaalaha wasaaradan uu ahaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Xiligan ayaa Hore u ahaa Maamuli Kuxigeenkii kastamka Kalabaydh Taariikhdu maray ahayd 2010 ilaa 2012 Xiligaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq halka masuulkii uu xiligaa maamule kuxigeeka uu u ahaa hada uu yahay Maamulka kastamka Kalabaydh,

Waxay Qormooyin xiiso leh dib ugu milicsan doonaa Waa kuma Wasirka Maaliyada Ee Xiligan Yuusuf ? Majiray Arimo Musuq Maasuq Oo Hore loogu Eedeeyay?

Shaqkhsiyaadka uu xilalka kala duwan umagacaabay maxaa laga Dheehan karaa shaxda uu u fadhiisiyay? Majireen xubno xilal kala Duwan ka yahay Wasaarada Maaliyada Oo uu Hore xafiiltan Uga Dhexeeyay? Talaabo Nooceeyay Ayuu Durba kaga Qaaday Awooda Shaadhka Xilka Qaranka,

HALKAN KA AKHRI  MAMAGACYADA ,TIRADA MAAMULAYAASHA KASTAMADA EE UU XILKA KA QAADAY IYO AGAASIMO WAAXEEDYADA Uu QAARKOOD ISKU BADALAY.

Maamulihii  kastamka Saylca Faysal Dheera Wuxu ka Qaaday Xilkii,

Maamulihii kastamka Madaarka Hargaysa Cabdixakiin Galay Wuxu ka qaaday xilkii,

Maamule kuxigeenkii Kastamka Berbera Wuxu ka qaaday Xilkii

Maamulihii Kastamka Wajaale  Maxamuud Maal Wuxu Ka Qaaday Xilkii. ;;

Agaasimihii maamulka lacagta Bahja xasan  wuxu ubadalay Agaasimaha Shaqaalaha

AGaasimaha Cashuuraha Bariga Wuxu u daayay kuxigeenkii hore u joogay,

Agaasimaha Waaxda Baadhista iyo kormeerka wuxu ka qaaday xilkii halka Uu U magaacabay  lataliye,

 

 

 WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version