WAJAALE NEWS

War Deg Deg ah ;Shil Gaadhi Oo Ka Caawa Dhacay Galbeedka Magaalada Kalabaydh Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay .

Gabiley(W,N) Isku dhaca laba gaadhi oo caawa abaaro 7;00 fiidnimo ka dhacay Galbeedka Magaalada Kalabaydh Gaar Ahaan deegaanka Xuunshalay Ee Gobolka Gabiley kaasi oo sobobay khasaaraha Dhimashada sedex qof Iyo Dhaawaca  laba Ruux oo kale .

Shilkan Naxdinta leh ayaa waxaa isku dhacay Laba gaadhi oo kala ah Noaha iyo Crown halka Markii Danbana Uu kusii dhacay Gaadhi sedexaad oo ah Land Cruser.

Wararka Aanu ka helayo Shilkan naxdinta leh ayaa noo xaqiijiyay Alleh Ha,unaxariistee in ay ku Geeriyoodeen sedexdii qof ee saarnaa gaadhi CROWNKA Ah oo dhalinyaro ahaa,

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in  aanay cidna wax ku noqon Gaadhi sedexaad Ee Land Cruserka ah  Balse sedexda qof ee dhintay ay saarnaayeen gaadhi crownka ah,

Gaadhi Noaha da ah ayaa la sheegay in laba qof oo sarnaa labadii dhaawac yihiin .

Dhaawac iyo maydadka dadkii shilkan waxku noqday ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Gabiley,

Wixii kasoo Kordha Shilkan Naxdinta kala Soco Shabakada Wararka Ee Wajaalenews.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

Exit mobile version