WAJAALE NEWS

Laba Wiil oo Dhalinyaro Ah oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Boosaaso (WJN) – Wararka naga soo gaaadhaya magaalada Boosaaso ee ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan xalay toogasho ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah meel aan ka fogayn suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.
Dadka ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbahinta u sheegay in labada wiil ee dhalinyarrada ah ahaayeen saaxiibo siweyn isugu dhawaa, islamarkaana dhawaantan ka qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa ee faraceeda magaalada Boosaaso.

Magacyada labada wiil ayaa lagu kala sheegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir.
Ciidamada nabada-galyada Puntland ayaa markiiba tagay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana baxsaday oo aan gacanta lagu dhiggin kooxdii dilka geysatay.
Lama oga sababta loo dilay labadani Wiil ee ka mid ahaa dhalinyarada waxbartay ee magaalada Boosaaso, waana marki ugu horreysay oo laba wiil oo Jaamiciyiin ah hal mar lagu dilo gudaha Boosaaso.
Dadka deegaanka ayaa siweyn uga naxay falka toogashada ah ee lagu dilay labada dhalinyarada ah, Boosaasa-na waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu badan oo ay ka dhaceen dilalka qorsheysan guud ahaan marka la eego deegaannada maamul gobolleedka Puntland.

Exit mobile version