WAJAALE NEWS

Shilal Gaadhi Oo Caawa Ka Kala Dhacay Dooxa Huluuq Iyo Caabudla + Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac.

Arabsiyo(W,N)-Shil Gaadhi Ayaa Caawa Ka Dhacay Dooxa Huluuq Ee Dagmada Arabsiyo

Shilkan Ayaa Ka Dhashay ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo Kala ahaa gaadhi wayn oo Waaraada ah iyo Gaadhi Dukhaana.

Waxaana Ku Geeriyooday Wiil Iyo Gabadh Alle Ha unaxariistee , Halka Laba Qof oo Kalena ay ku Dhaawacmeen.

Sida uu noo xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Arabsiyo xamse xaaji Xuseen Jaamac Oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in shilka dooxa huluuq ay ku geeriyoodeen laba qof halka laba kalena ay kaga dhaawacmeen

Dhanka kale sida uu noo sheegay gudoomiyaha degmada arabsiyo waxaa isla caawa waxa uu  shil gaadhi oo kale ka dhacay deegaanka caabudla kadib markii ay isku dhaceen gaadhi booyad ah iyo seerif kaasi oo uu ku dhintay hal qof halka laba qof oo dumar ahi.

Labadan shil ayaa caawa ka dhacay gobolka gabiley kuwaasi oo sobobay khasaare dhimasho guud ahaan sedex qof iyo dhawacba afar qof

WIXII FAAH FAAHIN AH EE KASOO KORDHA SHILALKAN GAADHI KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

ARABSIYO OFFICE

 

Exit mobile version