WAJAALE NEWS

Maydka Nin Isku Dhex Del delay Tukaan Uu Ku Haystay Xaafada Xero Awr Ee Magaalada Hargaysa Iyo fariin Dardaarana Oo Uu ka Tagay.

HARGAYSA (W,N) Alleh Ha Unaxariistee waxaa    tukaan ku yaala xaafada xero Awr Gaar Ahaan Agagaarka Saldhiga Degmada Ibraahim koodbuur   Ee Caasimada Hargaysa Maydkiisa laga dhex helay nin Ku haystay Meheradan oo isku dhex daldalay,

Sida ilo Xogogaal ahi ay u xaqiijiyeen shabakada wararka ee Wajaalenews Waxaa Taariikhdu markay Ahayd 17/12/2017  maydiisa laga dhex helay meherad uu isagu lahaa kuna  taalay xaafada Ganad Agagaarka Saldhiga Degmada Ibraahim koodbuur ee caasimada Hargaysa Marxuum Lagu Magacaabi Jiray Mukhtaar Xaashi Ibraahim.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu Xili habeenimo ah isku dhex deldelay Meherada kadibna markii la furi waayay  ilaa Galinkii Danbe Ee Maalinta  ay dadkii ka Ag dhawaa goobta uu ku yaalay  tukaanku   la socodsiiyeen laamaha Amaanka Halkaasi oo isamarkiiba Ay soo gaadheen Ciidamada Boolisku,  kuwaasi oo  jabiyay tukaankii si ay u ogaadeen xaalada waxayna tukaankii laga dhex helay maydka marxuumkii Haystay oo ku dhex  deldelan ismarkaana mayd ah.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaashi Ibraahim lama oga sobobta rasmiga ee keentay in  uu isdaldalo.

Halka Warar kale oo laga helayo Dhacdadan Naxdinta Leh  laga soo wariyay qaar kamida dadkii goob jooga markii ay ciidamada Boolisku jabiyeen ismarkaana ay qadeen maydka, ayaa sheegay in agagaarka goobta uu isku daldalay Marxuumkani  laga helay Warqad  Dardaaran ah oo uu ku qoray Arimaha ku ka lifay In uu isdilo.

Warqada Dardaaranka ah ayaa la sheegay in ay ku qornaayeen waxyaabaha Marxuumkan ku kalifay In uu Naftiisa Halaaga.

Walow Anaanu si dhab ah u helin warqadan dardaaranka ah Ee Uu ka Tagay Marxuumka isdadalay, taasi oo Xanbaarsanayd Dareen Argagax  leh,

Wixii kasoo kordha  dhacdadan Naxdinta leh. kala soco shabakada warar Ee wajaalenews,net

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version