WAJAALE NEWS

War Deg-Deg ah: Madaxwayne ku Xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Oo Gaadhay Taleex Wakhti Degaankasi Uu ka Furmay Shir

Ujeedada Socdalkani madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland ayaa Ilaa Hada Cadeyn iyadoona magaalada taleex Uu ka Furmay Shirka Khaatumo3

Taleex (WJN) Iyadoo Uu Maalintii Shalay ahayd Si Rasmiya Degaanka Taleex Uu ka Furmay Shirwaynaha Khaatumo 3 ayaa Waxa Galabnimadii Maanta Degaankaasi Taleex Ee  Xarunta Maamulka Khaatumo Gaadhay  Madax ka Socota  Maamulka Gobaleedka Puntland Oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.

 
 Ujeedada Socdalka Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland ayaa Ilaa Hada Cadeyn Wakhti Uu Magaalada Taleex Uu ka Furmay Shirka Khaatumo3 Oo halkaasi Maalinta Labaad ka Socda.

Geesta Kale Wararka Naga soo Gaadhaya  Degaanka Taleex ayaa Shegaya in Maanta Guud ahaan Shirkaasi Lagu Xoojiyay Ciidamo badan Oo khaatumo ah.

Kuwaasi Oo dhawaan Tababar Ugu Dhaamaday Gudaha Degaanka Taleex.

Ugu Danbayntii Imaatinta Madaxwayne ku Xigeenka Maamulka Puntland

Ee ka Qayb-Galka Shirka Khaatumo 3 ayaa ilaa iyo Hada Aan la Garanayn Wuxuu ku soo Kordhin-Doono Shirkaasi.

Wixii Warara Ee ka Kordha Shirka Khaatumo3 Kala Soco Shabakada Caalamiga ah Ee Wajaalenews.com

 

 

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version