WAJAALE NEWS

“Xukuumadda Ayaa Laga Doonayaa Inay 48 Saacadood Gudahood Sharciga Hor Keento Dadkii Ka Dambeeyey Weerarkii Xildhibaanka” Jamaal Cali Xuseen

jamaal cali xuseenHargaysa(Wajaale News):-Murashaxa Xisbiga Macaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag uga hadlay Weerar isku day dil ah oo lagula kacay Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo si kulul u naqdiya Xukuumadda, waxaanu tilmaamay inaanu falkaasi ahayn mid Wanaagsan.

Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo Shirjaraa?id ku qabtay Caasimadda Hargaysa, ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumadda uga fadhiyaan soo qabashada cidii ka dambaysay Weerarkii dhegaraysnaa ee lagu

qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiille oo ka tirsan aqalka Wakiillada Somaliland, waxaanu yidhi “Weerarkii lagu qaaday Xildhibaanka waxa uu ahaa mid aad u fool-xun oo laga yaq-yaqsoodo, waxaana Xukuumadda laga rabbaa inay Sharciga horkeento dadkii falkaas gaystay. Runtii maaha wax wanaagsan in Mudane lagu soo weeraro afkaartiisa siyaasadeed.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo uu Murashaxa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu fariin u diray Xildhibaan iyo Ehelkiisa, waxaanu yidhi ?Qoladaas waxaan leeyahay Sharciga gacantiina ha ku qaadanina, Xukuumadda ayaa laga doonayaa inay 48-Saacadood gudahood Sharciga ku horkeento cidii falkaas ka dambaysay. Somaliland waxa ay ku faantaa oo run ah inay leedahay Mucaarid xor ah iyo Nabadgelyo taam ah, hase yeeshee falalka noocan ahi waxay meesha ka saarayaan Kalsoonidii, Amnigii iyo kala dambayntii, markaa waa wax aan wanaagsanayn.? Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version