WAJAALE NEWS

War Deg Dega: Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Muraaqibiintiisii Kala Baxay Xarunta Guddida Doorashada.

Hargeysa(W,N)-Xisbiga Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada.

 

Wararka soo gaadhaya Xafiiska Warqabadka Shabakada Wajaalenews ayaa sheegaya in markii ay muraaqibiinta Xisbiga Waddani u qaabilsanaa guddida doorashadu ay damceen inay baadhaan sanaaduuqdii Gobolka Maroodijeex iyo kuwii Gobolaada kale waxaana ka hor istaagay guddida doorashada ee heer qaran,kuwaas oo muraaqibiinta xisbiga Waddani ku war geliyey inay iyagu baadheen sanduuqyadaasi oo lagu kalsoonaado, taas oo xubnaha xisbiga Waddani ay ka biyo diideen.

Gabagabadina waa markii labaaad ee xisbiga wadani xidhiidhka u jaro wada shaqaynta komishanka iyada oo ay xusid mudan tahay in wakhtigii hore ay diidmada Wadani ka dhasheen mudaharaado rabshado wata oo keenay khasaare naf iyo maalba leh oo saameeyay qaar ka mid ah magaalooyika waawayn ee Somaliland.

 

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version